Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Alshabaab oo ka soconaya Degmada Jalalaqsi
Jalalaqsi,6july,2015(QJ/SDN)-Wararka ka imanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu Caawa dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Alshabaab.
Degmada Jalalaqsi, ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas iyo hubka culculus oo ay isku adeegsanayaan Ciidamada Militeriga iyo kuwa Alshabaab waxa ayna dadka deegaanka soo sheegayaan in dagaalka uu yahay mid culus.
Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka socdaa dhinaca Bari ee magaalada Jalalaqsi halkaa oo kuwada sugan yihiin labada dhinac.
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday Dagaalyahano ka tirsan dhaqdhaqaaqa Alshabaab kadib markii ay gudaha usoo galeen deegaanka hubna ku garaacen fadhiisimo ay ku sugnaayen Ciidamada sidaana uu kusii baahay dagaalka.
Weli lama shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana weli socda Rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac.
Ciidamada milatariga iyo kuwa AMISOM ayaa la geliyey heegan buuxda iyadoo weli xabaduhu ay ka dhacayaan gudaha magaalada Jalalaqsi.
Si kastaba ha ahaatee, Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana suuragal ah in dagaalku sii socdo saacadaha soo socda.