|

Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho Dec 06,2011(qurbejoog.com) Dagaalkaani oo ahaa mid culus una dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan buuxda ka helaya kuwa AMISOM iyo Kooxda Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. 

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub cul culus oo ku dhacayay meelo ka fog goobaha ay ka socdaan dagaalada, waxaana dagaalkasi la sheegay in uu gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay sida ay Website-ka Somalidiasporanews.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah. 

Dagaalka oo ahaa weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa waxaa ku geeriyootay 2-ruux halka 3-kale la tilmaamay inay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dhinacyadii dagaalamay. 

Xaaladda ayaa xalay ilaa waabarigii hore ee saakay ay aheyd mid kacsan inkastoo iminka lagu soo warmayo inay tahay mid dagan islamarkaana uu halkaa ka istaagay dagaalka marka laga reebo rasaas goos goos ah oo ay Ciidamada dowladda u furayaan dhinacyada. 

Al Shabaab ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ugu baxeen xeelad dagaal, iyagoo tilmaamay in wajiyo badan ay kula dagaalamayaan dowladda KMG iyo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Qurbejoog-Mudisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed