|

Dagaal maanta ka dhacay magaalada Baardheere

Baardheere (QJ) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dhexmaraya ciidamo kala taabacsan maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Xiisadan ayaa bilaabatay kadib markii shalay ay isaga baxeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugnaa degmadaasi, kuwaasi oo fariisimo ku lahaa oo durbadiiba la wareegay ciidamada Jubbaland. Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda federaalka ayaa saaka weerar rogaal celis ah ku qaaday ciidamada Jubbaland.

Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ku saabsan gacan ku heynta degmada, iyadoo dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay maamullo isku heystaan ​​u magacaabeen Baardheere.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka culus uu ka socdo bartamaha magaalada, gaar ahaan agagaarka xarunta degmada, halkaasoo labada dhinac ay isku horfadhiyaan.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Maxamed Ilyaas Caagane oo dhawaan dowladda Federaalka ay u magacawday madaxa arrimaha bulshada ee degmadaasi.

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Buraale Ibraahim Xuseen oo ka mid ah saraakiisha dowladda Federaalka u magacawday Baardheere.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taasoo sii kordhineysa xiisadda ka taagan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa noqday goob ay ku hardamayaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, iyadoo dowladda federaalka ay dooneyso in degmooyinka qaar ee maamulkaasi ay ka dhacdo doorasho toos ah oo hal qof iyo cod ah.

Comments are closed