Dagaal Laba Beelood u dhexeeya oo Saaka ka dhacay Deegaanka Qoriley ee Gobolka Sool
Qoriley,30Aug,2015(QJ/SDN)-Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa lagu soo Warramayaa inuu Saaka ka dhacay Tuulada Qoriley oo 86-KM Koonfur-bari kaga Aaddan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Dagaalkan oo u dhaxeeya laba dhinac oo Sannado badan colaado dhexmarayeen inkastoo dhowr jeer oo hore lasoo afjaray, dagaalkan oo la sheegaey inay lix qof ku naf-waayeen; halka ay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.
Qof goobjooge ah ayaa noo sheegay in Dabley Hubaysan oo ka timid deegaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal ay soo weerareen tuulada; wuxuuna intaas ku daray inaan la sixi karin khasaaraha Madaama uu Deegaanku yahay mid Kaymo badan; balse buu yidhi dhimasho iyo dhawacba way jiraan labada dhinac.
Ma jiraan ilo Madax-bannaan oo laga heli karo Xaqiiqda dhabta ah ee Tuuladaas ka jirta; waxaase warar ku dhow goobta ay sheegayaan in ciidan urursi uu halkaasi ka jiro; lagana cabsi qabo in mar kale uu dagaal ka dhaco.
Geesta kale ciidanka qaranka Somaliland ayaa lasoo sheegayaa in ay deegaankaa hadda gaadheen iyagoo halkaasi u tagay sidii ay labadaas dhinac ee dagaalamay u kala dhex gali lahaayeen, balse wararka qaar ayaaba sheegaya in ciidanka Somaliland ay halkaasi tageen ka dib markii ay maqleen war sheegaya in ciidamada puntland ay qayb ka ahaayeen dagaalka halkaasi ka dhacay.
Ugu dambeyn, Sanand iyo Bar ayaa laga joogaa markii dhinacyo tuuladaas ku dagaallamay xabad joojin la dhex-dhigay; kaddib colaado u dhexeeyay 15-sano oo halkaas ka socday; iyadoo sida la xaqiijiyay ay colaaddan soo celisay markii 28-kii bishan dablay hubeysani ay weerartay nin ku sugnaa Agagaarka Cagaare oo aan wax badan ka fogayn tuulada Qoriley.