|

Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Al-shabaab Ku Dhex Maray Deegaanka Diinsoor iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Diinsoor,11Dec,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 11-qof ayaa ku dhintay, 15-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Dadka ku dhintay dagaalkan iyo kuwa ay dhaawacyadu kasoo gaareen ayaa dhamaantood ka tirsanaa dhinacyadii dagaallamay, waxaana dagaalkaan la sheegayaa inuu ka billowday weerar ay Al-shabaab ku qaadday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

“Waxaa dagaalka nooga dhintay saddex askari, sidoo waxaan ku dilnay sideed dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta, isgaoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo kasoo gaadhay dagaalka.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay dagaalkaas ku dileen ugu yaraan 15-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, balse ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Dagaalka oo dhacay shalay gellinkii dambe ayaa wuxuu ahaa mid xooggan, iyadoo sarkaal u hadlay cidamada dowladda Somalia uu sheegay in saldhiggii lagu dagaalamay ay iyagu gacanta ku hayaan.

Diinsoor, Soomaaliya

Somalidiasporanews

Comments are closed