|

Dagaal beleed ka qarxay Qoryoleey

Qoryooleey April 19, 2024(QJ)-Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed ay ka taagan tahay xaafadda Buunda weyn ee degmada Qoryooley.
Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamay ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama dagaalka uu weli socdo. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan colaada ka taagan degmada Qoryooley.

Comments are closed