|

Dagaal beeleed lagu hoobtay oo ka dhacay Galgaduud

Cabudqaaq June 09, 2024(QJ)-Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaal beeleed daba dheeraaday oo shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka badan yahay 50 dhimasho ah iyo dhaawaca in ka badan 60 ruux, kuwaasi oo isku dhacyo dhexmaray maleeshiyo beeleed halkaa ku dagaalamay.

Dhaawacyada dagaalka ayaa loola cararay isbitaalada Caabudwaaq,Xareele iyo Cadaado oo dhamaantood k wada yaala gobolka Galgaduud. Colaadan ayaa noqonaysa mid ka mid ah dagaaladii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkii dambe ka dhacayay gobollada dhexe ee dalka.

Dagaalkan ayaa waxaa ku lug leh kooxo hubeysan oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Dir, waxaana uu salka ku hayaa aanooyin qabiil oo soo jireen ah oo u dhaxeeya labada dhinac, iyadoo laga walaacsan yahay in maanta uu dagaal dhaco.

Dawladaha Galmudug iyo Federaalka ayaa soo saaray baaqyo loogu baaqayo beelaha Dir iyo Mareexaan ee ay dirirtu dhexmartay inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in wadahadal lagu dhammeeyo arrimaha hoose.

Comments are closed