|

Dagaal beeleed ka qarxay HirShabelle

Jowhar July 19, 2024 (QJ) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo maanta labo maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa maanta si weyn u sii xoogeystay, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay saxaafada u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Xasan Maxamed Tifow oo ka mid ah Odayaasha mid ka mid ah beelaha dagaalamay ayaa sheegay in dhulkooda lagu soo duulay, isla markaana aan xal aan aheyn dagaal la heli karin.

Waxa uu xusay in shirar iyo heshiisyo hore oo la doonayay in lagu xaliyo colaada labada beelood ay ku fashilmeen, haatanna ay dareemayaan in ay ku qasban yihiin in ay difaacaan dhulkooda.

Maamulka Hir-shabeelle ayaa wali ka hadlin xiisadaasi, inkastoo la filayo in dhawaan wafdi loo diro deegaanada ay dagaalada ka dhaceen ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Comments are closed