|

Dadweyne Cadheysan oo Hoteel uu Buuhoodle ka degenaa ku weeraray Madaxweynaha Khaatumo

cali khaliif galaydh

Buuhoodle 27,4,2016 (QJ/SDN – Dadweyne cadheysan ayaa saaka hoteel uu Buuhoodle ka Deggenaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh ku Weeraray, inkastoo aanay jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay.

Wariyayaasha ku sugan Buuhoodle ayaa kusoo warramaya in hotelkii uu daganaa Prof.Cali Khaliif Galleydh ay weerareen dad cadheysani isla markaana ay rasaas ku fureen.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in shacabka deegaanka ee weeraray Hoteelka uu madaxweynaha Khaatumo ka deggen yahay Buuhoodle ay dalbanayaan inuu ka baxo magaaladaas, inkastoo weli uu Prof. Galeydh ku sugan yahay Buuhoodle.

“Dadku waxay dalbanayaan inuu Prof. Cali Khaliif ka baxo magaaladooda, iyagoo ku an-dacoonaya in deegaannadii uu horay ugu sugnaa ay dhawr jeer qabsadeen qaar ka mid ah ciidamada Somaliland, waana taas midda ay ku dalbadeen inuu Buuhoodle isaga baxo,” ayay yidhaahdeen dad ku sugan degmada Buuhoodle oo dhankooda la hadlay Warbaahinta.

Ugu dambeyntii, Illaa hadda lama oga go’aanka kasoo bixi doona kulammada xiisada lagu Qaboojinayo ee ka socda Buuhoodle, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo Prof. Cali Khaliif lagu weeraro hoteel uu kaga sugnaa deegaannad uu maamulka Khaatumo ka taliyo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha wararka ku saabsan Weerarka hoteelka uu Prof. Khaliif ka degen yahay Buuhoodle, kala soco wararkayaga danbe insha Allaah.

Comments are closed