|

Dadweynaha Magaaladda Boorama oo Cabsi ka qaaday Diyaarado Kuwa Qumaatiga u kaca ah oo Joog hoose habeenkii ku duulaya

Boorama 11.Oct 2015 (SDN/QJ)- Diyaaradaha nooca Qumaatiga ukaca ee loo yaqaan Helicopterska ayaa dul wareegay caweysinkii caawa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal taas,oo guuxeeda si weyn looga wada maqlayey Gudaha Magaalada.

 

DIYAARADO-ARGAGAX-GALIYEY-DADKA-KU-DHAQAN-GOBOKA-AWDAL-300x160Diyaaradan oo duulimaadkeedu ahaa joog hoose isla markaana, xawaare hoose ku socotey oo bilaa leydh ah, ayaa cabaar dul gaaf wareegtey Gudaha Magaalada Boorama, inkastoo aan dadka badankiisu arki kareyn laakiin siweyn u maqlayey guuxeeda ayaa dareen badan ku abuurtey guud ahaanba Reer Boorama inkastoo, aan cidina aqoonsan diyaaradaas Helicopterka ah iyo howsha duulimaad ee ay ku dul heehaabayso hawada Boorama xili caweysin ah.

Inkastoo dadka badankiisu u sibirsaarey,in ay lamid diyaaradani nooca qumaati ukaca ee Helicopter diyaaradihii baadhista argagixisada ee Boorama dul gaaf wareegi jirey ayaamihii Huteel Jabuuti la qarxiyey intii ka dambeysay haseyeeshee, qeybo badan oo kamid ah bulshada Reer Boorama ayaa iyaguna dhinaca kale ku tilmaamey in ay Kamid Tahey Diyaaradaha Itoobiya oo lagu ilaalinayo amaanka Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, amaba lagu raadceynayo Wabar iyo Kooxdiisa.

Sikasta oo ay tahay ma aha markii ugu horeysay ee Nooceeda ah oo Diyaaradaha Helicopterku dul gaaf wareegaan Boorama laakiin, maalmahan ayay ku gaaf wareegayeen Xuduuda taas, oo aan Boorama aad looga dareemayn oo ay diyaaradahani ku socon jireen Joog sare balse Diyaaradani caawu kaga duwaneyd Xawaare kooban Bilaa Leydh iyo Duulimaadkeeda jooga hoose ah.

Comments are closed