|

“dadku waxay aaminsan yihiin meelaha dowladda degto ay amni Yihiin, meesha ay wasiirada degan yihiina uu sicir barar ka jiro” Guddoomiye Tarsan.

Muqdisho:29-Jan-2014(SDN)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa Ka Hadlay Dhibaatada ay dadka Reer Muqdisho iyo Noloshoodaba ku Hayso Wasiirrada Xukuumadda Ka Tirsan ee isku Urursanaya Goobo Kooban oo Magaalada Ka Mid ah.

tarsanGuddoomiye Tarsan oo Ka hadlayey Madal Wasiirka Arrimaha Guduhu xilka kula Wareegayey, ayaa Xusay in  Hannaanka Golaha Wasiirraddu u degaan Muqdisho ay dhibaato badani ka Haysato Shicibka, islamarkaana ay  caqabad ku tahay in Ammaanka Magaalada la Faafiyo, “Waxaan rajeyneynaa in in Wasiirada ay ka baxaan meesha magaalada kaliya kaga sugan yihiin, in magaalada inteeda kale isu qeybiyaan oo ay degmooyinka fog fog dagaan, dadka waxay aaminsan yihiin meelaha dowladda degto inay amni tahay meesha ay wasiirada degan yihiin ay sicir barar ka jiro”ayuu yidhi Tarsan.

 

Mr Tarsan ayaa sheegay inay bilad siinayaan Wasiirkii ugu horeeyay ee dega degmooyinka fog fog ee aan wali la deganeyn si loo  dhiirrigeliyo in Magaalada Masuuliyiintu isu qayiyaan oo ku faafaan.

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Tarsan soo Hadal qaaday Barnaamijka Federalka Ee Dawladda, waxana uu Codsaday in Magaalada Muqdisho maadaama ay caasimad tahay ay  xaq u leedahay in la calaamadiyo xuduuddeedii Federlka si looga Hortago in Gobolada Jaarka la ah ee Federalka samaysanayaa ku soo Xadgudbaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiaporanews.com

Comments are closed