|

“Dadku Ma Doonayaan Muddo Kordhin Dambe, Heshiiska Dekedda Berbera Mad-madow Badan Baa Ku Jira” Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 07.July 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Salaadda Ciidda Wuxuu kaga hadlay Xaaladda Dalka ee Wakhtigan, sida Doorashooyinka iyo Heshiiska Dekedda Berbera.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa U Mahad naqay Dadka dhalasho Ahaan Ka Soo jeeda Gobolka Gabiley ee degan Degmada 26-june ee Magaallada Hargeysa, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay kaalinta koowaad ka galeen qaadhaan loo ururinayay xabaallo cusub oo laga qorsheeyey waqooyiga Hargeysa.
Waxaa kale oo uu sheekhu u mahad naqay Beesha uu ka dhashay ganacsade Cali Maaweel oo uu sheegay in ay iyaguna kaalinta labaad u galeen bixinta taborucaadkaas.

Comments are closed