Dadkii Xooga Laga Raray Xayndaabka Madaarka Hargeysa oo Ka Cabanaya Waxbarasho La’aan DAAWO
Hargaysa 12. December 2016 (SDN/QJ):- Waxbarasho la’aan ayaa soo foodsaartay dadkii ku barakacay Xayndaabka loo sameeyay madaarka caaasimadda Hargeysa, iyadoo dugsi halkaasi horay looga dhisay uu gabi ahaanba dumay.
Ardayda wax ka baran jirtay dugsigaasi ayaa la sheegayaa in haatan ay soo foodsaartay waxbarasho la’aan maadaama dugsigii halkaasi looga dhisay uu dumay – waxaana arrintan walaac ka muujiyay macallimiinta ardaydaasi wax u dhigi jirtay.
Cabdiraxmaan Nuux Aw-Ducaale oo ah macallinka iskuulkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in tayada dhismaha iskuulkaasi oo aad u liidatay uu muddo kooban kaddib dumay isla markaana ay taasi sababtay in waxbarasho la’aan baahsani ay soo waajahdo caruurtii halkaasi wax ka baranaysay.
Macallinku waxa kale oo uu sheegay in bas ama baabuur loogu talo galay in ardayda lagu keeno iskuulka uu isna shaqadii joojiyay muddo kooban oo uu halkaasi ka hawl-galaayay.
Sidoo kale, macalinka iskuulkaasi ayaa waxa uu sheegay in Taarka Xayndaabka ah ee madaarka Hargeysa uu saamayn ku yeeshay noloshii kale ee dadka halkaasi ku dhaqan – iyadoo halkaasi ay ka jirto go’doon iyo waddo la’aan ama gaadiid la’aan.
Dhinaca kale, maamulka madaarka oo iyagu arrintani iyo ardaydanba ka masuul ah ayaan illaa hadda ka hadlin sababta keentay in aan waxba laga qaban iskuulka dumay iyo waxbarasho la’aanta halkaasi ka jirta.