|

Dadkii Ka Qaxay Dagaalladii Gaalkacayo Oo Guryahoodii Dib Ugu Soo Laabanaya

Gaalkacyo 10.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xaaladda magaalada Gaalkacyo, ayaa ah mid u deggan kadib dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ee dhex-maray maamulada Puntlnad iyo Galmudug.

 

Baro kaca GaalkacayoDad lagu sheegay ilaa 80,000 kun oo qof ayaa magaalada ka barakacay, waxaana xidhmay dhamaan goobaha waxbarashada ee magaalada, iyada oo ganacsigu noqday mid ka duwan sidiisi hore maalmihii dagaalladu socdeen, kadib markii xabbad joojin laga hirgeliyey magaalada Gaalkacyo ciidamadiina la kala qaaday, ayaa waxa dadka soo galay niyaayiro nololeed, waxaana magaalada maalinba maalinta ka danbaysa ay noqonaysaa mid dib u soo camirmaysa, ganacsigeedina uu caadi ku soo laabanayo.

 

Dhinaca kale waxa lagu wadaa in todobaadkan lagu dhawaaqo guddi saddex geesood ah oo ka wada hadla dagaalladii Gaalkacyo isla markaana gaadha heshiis rasmi ah.

Comments are closed