|

Dadka Somaliland oo Olole Cadho Ku Dheehan Tahay Baraha Bulshadooda ku Faafiyey Sida Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia u Xagal daacinayo Qaranimada Somaliland

Hargaysa 04. January 2017 (SDN/QJ):- Dadka reer Somaliland ee isticmaala baraha bulshada gaar ahaan Twitter ka ayaa dhaliilo cadho leh u diray xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ee la yidhaahdo UNSOM. Iyaga oo ku hal qabsanayay #EducateUNSOM oo micneheedu yahay wax bar UNSOM waxaay ka jawaab celiyeen taageerada uu xafiiska UNSOM siiyay xubno ku galay baarlamaanka Somalia magaca Somaliland.

Tan iyo intii ay socotay doorashada dadban ee Somaliya waxa UNSOM ay bareheeda bulshada ku baahinaysay hadalo ay ku sheegaysay in xubno ka socda Somaliland lagu doortay magaalada Muqdisho. Falkaas ayaa ka cadhaysiiyay dadka reer Somaliland oo u isticmaalay baraha bulshada si ay ugu gudbiyaan Qaramada Midoobay mawqifkooda ku aadan madaxbanaanida Somaliland.

“Annaga cidina naguma metesho Muqdisho. Qayb kama nihin doorashada dadban ee Xamar” ayaa ka mid ah qoraalada dadwaynaha cadhaysan. Mid ka mid ah dadka isticmaala Twitter ayaa sidoo kale yidhi “Somaliland waxaay leedahay baarlamaan ay si toos ah u dooratay. Dadka reer Somaliland kama mid ah Somalia.”

Dadka reer Somaliland ee jooga daafaha dunida ayaa si cad ugu dhaliilay UNSOM mawqifkeeda ku aadan Somaliland iyo sida ay isu garab taagtay xubno aan cidna metelin oo lagu cumaamaday Xamar.

Waxay dadwaynuhu soo bandhigeen guulaha ay Somaliland gaadhay, inay madaxdeeda toos u doorato iyo taariikhda dalka. Iyaga oo mar walba ku hal qabsanay wax bar UNSOM (educateUNSOM). Ololahan ayaa ah mid ay ka midaysan yihiin mucaarad, muxaafad iyo dadka madaxa banaan intuba.

Comments are closed