|

‘’Dadka Somaliland Beesha dhexe Laftigeedu Ciddii xanaaqdaa Xamar bay Tagtaa, Laakiin nin weliba wuu iska soo noqon doonnaa,.’’ Guddoomiye Cirro

London,9Jan,2016(QJ/SDN)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Cirro), ayaa sheegay in aanay dowladnimada Somaliland wada gaadhin dalka oo dhan isagoona tilmaamay in  ay jirto tabasho ay shacabka badhkii tabanayaan.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in cid kasta oo Somaliland ku abtirsata in falowgeeda la qabto sidii loo soo celin lahaa. Isagoona tusaale usoo qaatay dadka reer Somalland ee xilalka ka haya dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay Soomaaliya shaqo u tageen.

‘’Weli maamulkeennu muu wada gaadhin dalkeenna, tabashooyin ayaa laga yaabaa inay jiraan waxaynu u baanahay cidkasta oo Somaliland ku abtirsata inay ka mid noqoto Somaliland sidii ay uga mid noqon lahaydna aynu ka shaqeyno hadday Bari innaga xigto iyo hadday Galbeed innaga xigto,.. Dadka Somaliland beesha dhexe laftigeedu ciddii xanaaqdaa mar-mar Xamar bay iska tagtaa, xisbiyada dhaca iyo ururada dhaciyo, laakiin nin weliba wuu iska soo noqon doonnaa, .. waxaynu u baahannahay kuwaana inaynu soo celinno shaqo ayuun bay meesha u tageene haddaynu shaqo u hayno way iska imanayaan bay ila tahay,..’’   ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo la hadlaayay taageerayaasha xisbiga Waddani ee Bariga magaalada London waxa uu intaasi ku daray ‘’Dadkeena inaynu soo ceshanno ayaynu u baahanahay, kuwa cadhooda inaynu u baaqno ayaynu u baahanahay, kuwii yidhi jabhadaynu noqonnay inaynu u yeedhno ayaynu u baahanahay nin walba waynu u baahannahay Somaliland maanta, waxaynu doonaynaa inaynu Somaliland mideyno xisbigana mideyno innaguna mid noqonno sidaas uun baynu wax ku noqon karaynaa,..’

Dhanka kale, Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ‘Kursiga’ saaray Madaxweyne Siilaanyo isla markaana ay si wanaagsan usoo wada shaqeeyeen, inkastoo guddoomiyuhu wakhtigaas ka mid ahaa xisbiga UCID, balse waxa uu yidhi;  ‘’Malaha aniga iyo East London (Bariga London) qolodii Siilaanyo kursiga saartay baanu ka mid ahayn,.. odayga si wanaagsan baanu usoo wada shaqaynay haddana si wanaagsan ayaan usii waddacaynaa haddii Illaahay ka dhigo,..’’

Khaalidfoodhaadhi@gmail.Com

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed