Dadka Reer Tanzania Oo Saaka U Dareeray Doorashada Madaxtinimada Dalkaasi.
Darasalam,25Oct,2015(QJ/SDN)-Shacabka reer Tanzania, ayaa waxay maanta soo dooran doonaan Madaxweynaha cusub dalkaasi iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna dooraashadan noqon doontaa mid aad u adag.
Xisbiga talada haya ee CCM, ayaa waxa la sii saadaaliyay in loolan adag uu kala kulmi doono Xisbiyada mucaaradka, oo isugu tagey Xisbiga CHADEMA.
Madaxweynaha Xafiiska Shaqada ka tegaaya ee Jakaya Kikwete, ayaan doorashadan u tartami doonin, maxaa yeelay waxa uu horey ugu soo tartamay laba goor, oo Xafiiska uu soo joogay. Waana labada jeer ee loo ogolyahay in Xafiiska uu u tartamo.
General Ernesy Mangu, Taliyaha Ciidanka Booliska Tanzania, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay xoojiyen amniga guud ee dalkaasi, isla-markaana ay 80 kun oo askari ka hawlgeli doonaan goobaha doorashada.
Doorashada Tanzania, ayaa waxaa Axada maanta la fillayaa in si nabdoon kaga qabsoomto dalkaasi, illaa iyo hadana ma jirto wax rabshado ah oo dalkaasi ka dhacay.
Tanzania waa dalka labaad ee ugu dadka badan Wadamada Afrikada Bari ku yaala, marka laga soo taggo dalka Itoobiya. Waxaana la tilmaamaa in dadkiisu ay dhan yihiin 52 milyan oo qof.
QJ/SDN: Hargeysa.