Dadka reer Masar oo maanta u dareeraya afti u qaadida dastuurka cusub ee dalkaasi
Qahira Dec 15 20120 (SDN)- Dadka reer Masar ayaa maanta u dareeraya codbixinta aftida loo qaadayo dastuurka cusub ee wadankaasi oo ay ku kala qeybsameen Mucaaradka iyo taageerayaasha Madaxweynaha.
Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi iyo Ururkiisa Akhwanul Muslimiin ayaa si culus ugu ololeenaya in loo codeeyo dastuurka si uu u dhaqan galo, halka Mucaarakuna ay sheegayaa in dastuurka qabyo qoraalka ah ee aftida looqaadayo uu yahay mid aad u xagjirsan.
Magaalada Qaahira ee caasimada, Alexandria iyo sided gobol oo kale ayaa maanta oo sabti ah laga codeyn doonaa iyadoo qeybaha kale ee dalka ka dhiman ay codbixinta afti u qaadida dastuurka ay ka dhici doonto Isbuuc kaddib.
Inka badan 51-Milyan oo ruux ayaa is diiwaangalisay waxaana aad loo adkeeyay Ammaanka goobaha codadka laga dhiibayo iyadoo 250-kun oo ciidamo amaanka suga ah lagu soo daabulay dhamaan dalka oo dhan.
Goobaha codbixinta ayaa qorshuhu yahay in ay furmaan 08:00 saacada Masar oo u dhiganta (06:00), waxaana laga baqdin qabaa isku dhacyo u dhaxeeya taageerayaasha Madaxweynaha iyo Mucaaradka in ay dhacaan.
SDN-Qaahira