|

“Dadka Reer Jabuuti 37% Waxay Dhasheen Kadib Markii Ismaaciil Cumar Geelle Taladda La wareegay” Madaxweyne Geele

Jabuuti 10 Sep 2015 (SDN/QJ)-Wargeyska MG Afrika(Mail and Guardian) ayaa daabacay warbixin dheer oo ka turjumaysa hogaamiyayaasha qaaradda Afrika ee kuraasta ku dhegan, kuwaasoo ay isbarbar dhigtay muddada ay xilka hayaan iyo tiradda dadkay xukumaan inta dhalatay wixii ka dambeeyay markay taladda qabteen. Sidoo kale warbixinta wargeysku waxay xustay isbedeladda sida nabada ah uga dhacay qaaradda ee taladda lagula kala wareegay.
madaxweyne GeeleWarbixinta wargeysku waxay sheegtay in ilaa 19 isbedel oo si nabadgelyo ah uga dhacay dalalka qaaradda Afrika xilliyo kala duwan ay horseedeen in xukunka lala kala wareego. Qaarkood madaxweynayaal taladda hayay lagaga adkaaday sida Nigeria, Zambia…. Hase yeeshee warbixintu waxay ku nuuxnuuxsatay 15 ka mid ah madaxda Afrikaanka oo ay ku tilmaantay kuwa ugu cimriga dheer ee weli kuraasta ku fadhiya, kuwaasoo qaarkood ay dhaafeen cimrigii talo iyo garasho laga sugi lahaa. Madaxweynayaashaa warbixintu xustay waxa ka mid ah, Madaxweynaha Angola Jose Dos Santos oo taladda dalkaa qabtay 10.septembar.1979, ilaa haddana kursiga ku fadhiya. Warbixintu waxay xustay in boqolkiiba 85% dadka reer Angola ee hadda nooli ay yihiin qaar dhashay kadib markii Dos Santos taladda qabsaday, taasoo ka dhigan in aanay noloshooduba Dos Santos dhinacna u dhaafsiisnayn. Waxa kale oo ka mid ah Robert Mugabe oo taladda dalka Zimbabwe la wareegay markuu dalkaasi gobanimaddiisa qaatay 18. April.1980, ilaa haddana ah madaxweyanaha dalkaa. Boqolkiiba 83% bulshada dalkaa waxay warbixintu ku tilmaantay inay dhasheen markuu xukunka qabtay kadib.
Madaxweynaha Kamaruun Paul Biya oo taladda dalkaa la wareegay 6.novembar. 1982 ilaa haddana haya, ayaa isna boqolkiiba 78% bulshada uu u taliyo lagu tilmaamay inay dhasheen kadib markuu xukunka qabtay. Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo talada dalkaa qabsaday 29.jan.1986 ilaa haddana haya, ayaa isna boqolkiiba 79% tiradda dadkiisa lagu sheegay inay dhasheen kadib markuu kursiga yimi. Cumar Xasan Albashiirka Suudaan oo talada dalkaa qabtay 30.june.1989, welina kursiga ku fadhiya ayaa isna warbixintu in boqolkiiba 63% dadkiisu ay dhasheen markuu talada la wareegay dabadeed. Madaxweynaha Ereteria Isaias Afawerki oo talada dalkaa qabtay 27.april.1991, ilaa haddana ah madaxweynaha dalkaa, ayaa isna boqolkiiba 63% tirada dadkiisa warbixintu ku sheegtay inay dhasheen kadib markuu xukunka qabtay.
Paul Kagamaha dalka Rwanda oo taladda dalkaa qabtay 24.march.2000, ilaa haddana ah madaxweynaha dalkaa ayaa isna boqolkiiba 44% tirade dadkiisa lagu qiyaasay, inay dhasheen isagoo talada haya. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo talada dalkaa qabtay 8.may.1999, welina kursiga ku fadhiya ayaa isna boqolkiiba 37% tiradda dadkiisa lagu sheegay inay dhasheen kadib markuu xukunka la wareegay. Sidoo Madaxweynayaasha dalalka Burundi, DR Congo, Republic of Congo, Algeria, Gambiya, Chad iyo Equatorial Guinea ayaa iyana sidaas oo kale warbixintu u tilmaantay, kuwaasoo dhamaantoodba ah madaxweynayaal talada dalalkooda weli haya. Warbixintaa wargeyska MG Afrika ee la xidhiidha madaxda afrika ee taladda haysa shan iyo tobanka ugu mudda dheer awood hayntooda, isla markaana ay ku barbar dhigtay tiradda bulshooyinka dalalkaa inta dhalatay, intan ay iyagu horjoogaha u ahaayeen/yihiin, waxay muujinaysaa tiradda jiilasha dalkaa ee hankoodu ku hoos habsoobay xukunaddaa kelitaliska ah.

Comments are closed