Dadka Reer Galkacyo Oo ka Wal Walsan Afduubyada ku soo badanaya Magaaladaasi (Warbixin)
Galkacyo March 28 2013 (SDN)— Iyadoo Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ay ka dhacayeen falal afduub ah oo ay ku kala dhaqaaqayeen maamulada Galmudug iyo Puntland ee ka kala arimiya waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo Koonfurta Magaaladaasi ayaa masuuliyiinta maamulka Puntland ee Gaalkacyo waxa ay ka hadleen ammaanka Magaalada.
Axmed Cali Salaad duqa Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan dhibaatada dhanka ammaanka ah ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale afduubyada.
Wuxuu sheegay in nabadoonada Gaalkacyo iyo sidoo kale maamulka Degmada ay iska kaashan doonaan sidii wax looga qaban lahaa sii socoshada falalka afduubyada ah ee waayahan joogto ka noqotay Magaalada Gaalkacyo.
Falkii ugu dambeeyay ee afduub shalay dhaca ayaa waxaa lagu afduubtay wiil arday ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Shukri xilli uu kasoo baxay iskuul ku yaala koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo oo laba dhinac uqeybsan ayna ka arimiyaan labo maamul ayaa joogto ka noqotay afduubyo ay ku kala kacaan maleeshiyaad labada maamul kasoo kala jeeda.
SDN-Galkacyo