|

“Dadka Maamulka ku dhisay Ceelbarde waxaa ay ka mid yihiin Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya” Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka

Muqdisho 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlay Idaacadda VOA laanta la hadasha Soomaalida ayaa markii ugu horeeysay waxaa uu ka hadlay Maamulka looga dhawaaqay Waqooyiga Gobolka Bakool ee ka madax banaan Koofur Galbeed Soomaaliya.

 

Wasiirka-Arrimaha-Gudaa-OdawaaWasiirka ayaa sheegay in Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka ay kala hadleen Dacwada ay qabaan Dadkaasi wax ka rabanaya Maamulkaasi islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in ay Xal ka gaaraan.

 

“Dadka Maamulka ku dhisay Ceelbarde waxaa ay ka mid yihiin Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya tabasho wey dhici kartaa oo Maamul Goboleed kasta oo la dhisayo ayaa Caqabad la kulma,balse Dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa diyaar u ah in ay Xaliso Arrintaasi”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

 

25-kii Bishaan ayey ahed markii Degmada Ceelbarde looga dhawaaqay Maamul Isku Magacaabay Bakool-sare,iyadoo Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya uu Taageeray Maamulkaasi Bakool Sare.

Comments are closed