Dadka Ku dhaqan Magaalada Nairobi oo Xaalada dalkooda loogu soo Qoray Dameero Tiro badan oo Suuqa lagu soo daayay
Nairobi 12.Dec 2014 (SDN/QJ)- Shacabka Reer Kenya, ayaa Waxaa la Yaab ku noqday Markii Shalay Subax ay ku soo tooseen indhahana ku Kala Qaadeen Dameero tiro badan oo magaalada Nairobi ku dhaqan, kuwaas oo ay dushooda ku qoran tahay qoraallo lagu muujinayo in dadka ka niyadjabsan yihiin Xaalladda ammaan ee Dalkaas.
Qoraalkaas oo xili habeenimo ah si hoose loogu qoray korka sare ee Kooxo dameero ah, ayaa ahaa mid ku qoran afka Sawaaxiliga, kaas oo ahaa “Tumechoka” oo micnaheedu yahay “waan daalnay”.
Ereygan ayaa halkudhig u ahaa dibedbaxyadii lagaga soo horjeeday ammaan darrada dalka ka jirto, ee la qabtay bishii tegtay ee November.
Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe waddada ka qaaday dameerrahaas, waxana ay geeyeen Goobo gaar ah, iyadoo intii dameerahaasi suuqa joogeen dadku si weyn ugu soo xoomay si ay arkaan qoraalkaas.
Tallaabadan qoraalkan, ayaa wali si fiican loo garanayn cidda ka dambaysa, waxase loo malaynayaa inay ka dambeeyaan qolyaha isbeddel doonka ah oo ay kaw ka yihiin axsaabta mucaaridka ahi.
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com