“Dadka ka imaanaya dibadaha dalka waa inaysan tegin Muqdisho waayo ma jirto nabad la isku haleyn karo” Prof Cali Maxamed Geedi
Nairobi 03.Sep 2013 (SDN)- Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhaliilay shirka ka furmay Muqdisho, isagoo dadka ka qaybgalaya ku tilmaamay kuwo isku fikir ah oo taageersan Dowlada.
Shirka ayuu sheegay inaysan wax natiijo ah kasoo baxayn maadaama aan lagu casuumin dadkii ay talada dalku ka go’day, wuxuuna dadka shirka ka qaybgalaya ku tilmaamay kuwo ay dowladu wadato oo aan dhaliilo u jeedin karin.
“Hadii shirku uu yahay mid looga hadlyo siyaasada iyo dib u heshiisinta dalka waxay ahayd in la isugu keeno bulshada Somalida oo dhan, gaar ahaan kuwa ay wax dhexmareen iyo kuwa talada saliimka ah dhiibi kara“ ayuu yiri Prof. Geeddi.
Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia wuxuu sheegay in Muqdisho aysan ka jirin wax nabad ah, taasoo uu u sababeeyay mushaar la’aanta haysata ciidamada Dowlada.
“Dadka ka imaanaya dibadaha dalka waa inaysan tegin Muqdihso waayo ma jirto nabad la isku haleyn karo. Waxaan sidoo kale uga digayaa dadkaas inay ka digtoonaadaan in shirka ka furmay Muqdisho lagu marin-habaabiyo” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Geeddi.
Shirka ka furmay Muqdisho ayay DF ku sheegtay inuu yahay mid looga hadlayo sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho xor ah marka la gaaro 2016, iyadoo Puntland ay ka mid tahay Maamulada Qaadacay ka qaybgalka shirka.
“Xubnaha lagu casuumay shirka Muqdisho waa kuwo asxaab iyo isku hadaf ah, ma jirto cid dhaliili karta dowlada, marka waa maxay waxay ka hadlayaan?” ayuu Prof. Geeddi isweydiiyay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia ayaa wuxuu ka mid yahay siyaasiyiin dhawaanahan shirar ku yeelanayay dalalka dariska ah kuwaasoo si aad ah u dhaliilsan Dowlada uu hogaaminayo Xasan Sh. Maxamuud.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com