‘’Dadka Fidnada Soo Abaabulayaa Halkan Nalama Joogaan, Meel Kale Ayay Joogaan,.’’ Madaxweyne GEELLE Oo Ka Hadlay Rabshadihii Ka Dhacay Jibouti DAAWO
Hargeysa,22Dec,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay maanta ka hadlay dhacdadii rabshada wadatay ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca fara baddan, isaga oo ku eedeeyey inay ka danbeeyeen dad dibada jooga.
Dhacdadan foosha xun ee shalay ka dhacday Jabuuti ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19-qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay Halkan Guji
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay maanta cidda ka danbeysa rabshadaasi ayaa waxa uu sheegay “Dadka fidnada soo abaabulaya halkan inalama joogaan, meel kale ayay joogaan,kuwaasna kuwo kale ayaa ka danbeeya, waxay doonayaan inaynu horumarkeena joojino,”
Madaxweyne Geelle ayaa mucaaridka dalkiisa kub sheegay in ay yihiin kuwo Asmo ah isla markaana ay rabaan in awoodda dalka ay dhiig ku daadiyaan ‘’Nin siyaasi ah oo dhiigga dadka intuu dul socdo, yidhaahda waxaan ku gaadhayaa suldad, wax uu ummadda u tarayaa ma jiro dalkana waxaba u tari maayo, asmo meeyaan,’’ ayuu yidhi madaxweyne Geelle
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle;