“Dadka Aqoonta u leh Diintu waa inay Xilalka Xafiisyada Dawlada qabtaan” Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland
Hargaysa 03.July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ku baaqay in dadka aqoonta u leh diinta islaamka xilal ka qabtaan xafiisyada dawladda iyo goobaha lagaga shaqeeyo danaha caamka ah.
Garyaqaan Aadan oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey arday tartan qur’aanka ah uga socday Masaajidka Cali-mataan ee Hargeysa, waxa uu sheegay in faa’iidooyin badan ku jiraan haddii jiilasha qu’aanka bartay ka qaybgalaan hay’adaha dawladda iyo ka shaqaynta danaha guud ee bulshada.
“Nebigu (SCW) waxa uu xadiis ku yidhi; ‘muumminka dadkiisa ku dhex nool ee ku dhex samra, wuxuu ka khayr badan yahay qofka raahibka noqda ee meel buuro dhexdood ah isku xidha oo halkaas ugu cibaadaysta Ilaahay.’ Markaa taas waxa aan uga jeedaa, waxa looga baahan yahay jiilasha wanaagsan ee qur’aanka bartay inay ka qaybgalaan nolosha caamka ah ee dadweynaha ama dawladda. Waayo haddii dadka inta wanaagsan geli waayaan hay’adaha dawladda iyo meelaha guud ee danta caamka ah, kana shaqayn waayaan xafiisyada oo ay noqon waayaan maareeyayaal ama maamulayaan, waxa meelahaas isugu ururaya inta aan wanaagga wadin, Nebiguna (SCW) wuxuu yidhi, haddii bulshada inta xun badato in la halaagsami doono, iyagoo asxaabtuna waydiiyey miyaa nala halaagayaa iyadoo dadkii wanaagsanaa dhexdayada joogaan? Wuxuu Rasuulku yidhi; ‘haa, haddii dadka inta badan ay xumaato weligeedba inta wanaagsan ha wanaagsadaan haddana waa la raacinayaa.’
Marka laga hadlayo halaagga waxa uu leeyahay macnayaal badan oo waxa ka mid ah halaaga guud ee ummadda oo dhan la baabi’iyo, waxana ka mid ah in lagu sallido cudurro, abaaro, dagaalo, qax iyo mushkilado badan oo kale, kuwaasina waa noocyada halaaga ka mid ah,” ayuu yidhi Garyaqaan Aadan X. Cali.
Waxa kaloo uu tilmaamay in masaajidku yahay meelaha ugu barakaysan, uguna fiican ee ay muhiim tahay in laga shaqeeyo, balse haddana loo baahan in dadka aqoonta u leh diintu shaqooyin u doontaan xafiisyada dawladda iyo goobaha gaarka loo leeyahay, waxaannu yidhi; “Farriinta aan dirayo waxay tahay waa in aanay dadka wanaagsan ka qaybgalaan meelaha danta caamka ah taalo ee ummadda loogu shaqeeyo, iyadoo masaajidku yahay meelaha ugu muhiim san ee in laga shaqeeyo oo lagu xidhnaado tahay, haddana waa in dadka aqoonta qur’aanka bartay ka shaqeeyaan goobaha kale ee bulshada ee danaha caamka ah ka jiraan.”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale sheegay in akhlaaqda wanaagsan ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee diinta islaamku ku faafto, “Diinteenna islaamku inta ay ku faaftay akhlaaqda wanaagsan ayaa ka badan inta lagu faafiyey dacwadda oo inta la arkay sida uu u dhaqmayo qof wanaagsan oo muumin ah, kadibna dad badan ku rumeeyeen islaamka ayaa ka badnayd inta ay dacwad ku gaadhay, markaa waa in laga qaybqaato meelaha caamka ah oo laga shaqeeyo danta guud oo la noqdo saraakiil boolis, xafiisyada dawladda laga shaqeeyo oo laga shaqeeyo goobaha gaarka loo leeyahay, isla markaana dadka diinta bartay tagaan meel walba oo ka shaqeeyaan si wanaaga loo faafiyo,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray.
Hargaysa SDN/QJ