|

Dadka Adduunka Ugu Cadhada Badan, Kuwa Ugu Farxadda Badan Iyo Halka Ay Soomaalidu Kaga Jiraan Xog-Ururin Lagu Sameeyey Shucuubta Adduunka

Paraguay 09. July 2017 (SDN/QJ):- Xog-ururin la xidhiidha dhinaca bulshada oo ay dhawaan baahisay xarunta caanka ah ee Globe ayaa lagu sheegay in shacabka waddanka Ciraaq noqdeen kuwa ugu cadhada badan shcuubta caalamka ee aragtida taban ama xun ka qaba mustaqbalkooda nololeed halka shacabka waddanka Paraguay ee ku yaalla qaaradda Latin Ameerika ka noqdeen shacabka adduunka ugu farxadda badan ama si kale haddii aan u dhigno noloshooda aad ugu faraxsan iyada oo dalka Koonfurta Suudaana ka noqday kan labaad ee adduunka ugu cadhada badan.

Daraasaddan ay dhawaan baahisey xarunta Globe oo ay sannad walba soo saarto laguna qiimeeyo sida shucuubta adduunka ku nooli ugu kala wanaagsan yihiin ama ay ugu kala faraxsan yihiin nolosha iyo sida ay ugu kala aragti xun yihiin ee ay ugu kala cadhada badan yihiin ayaa waxa natiijadii cilmi baadhistan lagu baahiyey wargeyska caanka ah ee Daily Mail waxaana akhristayaasha la wadagaaya wargeyska Foore oo idiin soo turjumay warbixintan layaabka leh.

Xog ururin laga diyaariyey in ka badan 142 waddan oo adduunka ah oo lagu ogaanayay sida maanta dadka adduunka ku nooli u kala cadho badan yihiin una kala farxad badan yihiin ayaa ugu dambayn muujinaysa in shacabka waddanka Ciraaq oo duruufo dhaqaale iyo kuwo amni xumo haystaan waxa ay noqdeen kuwa ugu cadho badan iyo waliba kuwa rajada ugu xun ka qaba mustaqalkooda waxaana kaalinta labaad soo galay waddanka adduunka ugu da’da yar shacabkiisa oo ah dalka Koonfurta Suudaan kuwaasi oo iyaga laftoodu in ka badan afartan sano dhex dabbaalanaya duruufo dhaqaale xumo iyo dagaalo sokeeye.

Waxase arrinkan layaabka lihi noqday markii shacabka waddanka Paraguay ee qaaradda Latin America ka noqdeen kuwa rajada ugu wanaagsan ka filanaya noloshooda ee ku sugan xaalad farxad ah inkasta oo aanay ahayn shacab dhaqaale badan leh dalkooduna ka mid yahay dalalka noloshoodu iska liidato ama xagga hoose tahay walaw aan lagu tilmaami Karin waddan sabool ah.

49% shacabka reer Ciraaq waa kuwo xaalad cadho, qulub iyo walbahaar ah ku nool halka sidoo kale 47% shacabka reer Koonfur Suudaan ka yihiin kuwo isla xaaladdaasi ku sugan sidaasi ayaanay kaalmaha koowaad iyo labaad ku kala galayaan iyada oo sidaasi shacabka reer Ciraaq markii shanaad oo xidhiidh ah kaalintan galayaan. Labadan dal ayaa xaaladda noloshooda ka walaacsan iyaga oo aad uga walaac qaba dhinacyada amniga, maciishadda, caafimaadka iyo jidh-dil ay saacad kasta ka kulmi karaan.

Xog-ururintan waxa layaabkeedu noqday markii dalka Giriigga oo ka mid ah dalalka Yurub uu shacabkoodu ka mid noqday kuwa ugu cadhada badan ama noloshooda ku wajahaya xaalad walaac leh waxaana taasi u sabab ah ayaa la leeyahay xaaladda dhaqaale ee dalkaasi oo hoos u dhacday dhawr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey iyada oo arrinka kale ee layaabka lihi noqday in shacabka dalka Yemen oo ku jira xaalad qallafsan balse haddana ay noqdeen kuwo kaalmaha hore ka galay dadka adduunka ugu farxad badan. 51% shacabka reer Yamaneed ayaa noqday kuwo faraxsan inkasta oo amni darro, dhibaato dhaqaale iyo caafimaad la’aani ku habsatay dalkaasi oo dagaalo sokeeye in muddo ah ka socdaan.

Xog ururintan ayaan laga samayn dalalka Suuriya iyo dhulka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika balse waxa daraasaddan lagu sheegay in Soomaalidu kaalmaha ugu hooseeya kaga jiraan shucuubta adduunka ugu filashada wanaagsan ama farxad badan ku nool, waxaanay xog-ururintani ku sheegtay kuwo cadho badan oo rajo xun ka qaba mustaqbalkooda sida ay u arkaan.

Comments are closed