|

Dadaal ay Midowga Yurub ugu Jiraan Xal Ka Gaadhista la dagaalanka Budhcad Badeeda

Kuwait 07.Nov 2013 (SDN)- Ururka Midowga Yurub ayaa ka doodaya sidii loo soo afjari lahaa gabi ahaanba Weerarada ay qaadayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowleysta Xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo sanadihii ugu danbeeyay weeraradooda hoos ay u dhaceen.

euWakaalada Wararka ee dalka Kuwait ayaa baahisay in Wadamada Midowga Yurub ay ka fikirayaan suurtagalnimada in gabi ahaanba laga waayo Xeebaha Soomaaliya iyo Goobaha ka baxsan dagaalada ay qaadayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya Maraakiibta iyo Doonyaha isticmaala Marin Biyoodka Mashquulka badan ee Soomaaliya.

EU-da ayaa si loo soo afjarayo Burcad Badeeda tilmaamtay inay kordhinayaan Taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda u jooga Xeebaha Soomaaliya,waxayna si gaar ah u sheegeen inay kordhinayaan Tirada Ciidamada iyo Tayadooda ah.

Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo si hoose ula hadlay Wakaalada wararnka Kuwait (KUNA),ayaa shaaca ka qaaday in Qorshahooda uu yahay sidii loo weyn lahaa dhalinyarada inta badan caadeysatay inay Weerarada ay ku qaadaan Maraakiibta iyo Doonyaha,waxaana Sidoo kale iyagana meesha ay ku jiraan Kooxaha ka soo ifabaxday dalka Nigeria.

Weeraradii Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa sanadigii ugu danbeeyay hoose u dhac ku yimid.

Kuwait SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed