|

Dad Shacab ah oo ku geeriyooday Duqeyn shalay loo geystay Husungoow

Husungoow Dec 21,2011(qurbejoog.com)-Waxa shalay duqeyn u geystay degaanka Husungoow ee dhacda duleedla magaalada Dhoobley duyuurado aan la garn cida leh oo dhimasho iyo dhaawacba geystay.

Sida ay dadka degaanka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada dawladuba xaqiijiyeen waxa magaalada Husungoow guqeyntan ka soo gaadhay khasaare baahsan.

Duyuuradaha ayaa kolkii hore duqeeyay aag magaalada dibedeeda ah,balse duhurnimadii soo rogaal celiyay oo duqeeyay badhtamaha magaalada.

Sida dad ku sugan guddaha magaaladu saxaafada u sheegeen waxa halkaa ku dhintay ilaa sagaal ruux oo rayid ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada oo ku sugan magaalada Dhoobley aya sheegay in duqeynta loola gol lahaa ciidamada Shabaabka ee magaalada ku sugan.

Sidoo kale waxa sarkaalku sheegay in duqeyntu ay khasaare baahsan gaadhsiisay gudaha magaalada.

Goobjoogeyaal ayaa sheegaya in duyuuradu duqeysay badhtamaha magaalada oo markaana ay daasas halkaa ku yiilay ay gubteen.

Ciidamada Kenya oo ku sugan degaanada koonfurta Soomaaliya ayaan sheegan weerarkan u danbeeyay.

 

Qurbejoog-Husungoow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed