Dad Lagu Laayay Magaalada Gorgor Ee Degmada Gaashaamo iyo Mudaharaad Ka Dhacay Burco
Burco,28,6,2016 (QJ/SDN) – Mudaharad lagaga soo horjeeday Dad lagu laayay Tuulada Gorgor oo ay laayeen ciidamada liyuu boolisku ayaa ka bilaabmay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, Mudaharaadkani oo ay dhigayaan Dadka degaan ahaan ka soo jeeda Degaanka Jaamac Dubad oo ay dhawaan ciidamada Liyuu boolisku ku laayeen Dad isugu jiray Caruur,Haween iyo Curyaamiin.
Dadka maanta mudaharaadaayay ayaa iyagu kala xidhay wadooyinka waawayn ee dhex mara gudaha magalada burco, Waxaanay dadkaasi shacabka ah ee mudaharaadayay ay socod dheer ku tageen Aqalka Madaxtoyada Burco oo ay ku sugan yihiin wafti wasiiro ah oo uu hogaminayo wasiirka arrimaha gudaha cali warancade.
Dadka Mudaharadayay ayaa codsanayay inuu wasiirka arrimaha guduhu ka soo baxo aqalka madaxtoyada ee uu hurday si uu ula hadlo shacbigiisa loo gaystay xasuuqa balse wasiirku codsigaasi dhag-jalaq uma siinin Dareenkaasi ay muujinayeen dadka mudaharadayay.
Markii uu mudaharadkaasi xoogaystay ayaa waxa shacbigii mudaharadayay si dhab ah dareenkiisa ula qaybsaday badhasaabka gobalka togdheer Maxamed Ibraahim Aaden (Qabyo-Tire) Waxaanu badhasaabku goob fagaare ah kula hadlay dadkaasi mudaharadayay isagoo ugu baaqay inay ilaliyaan nabad-galyada.
Ugu Danbayntii, Mudaraadkani Maanta ka Dhacay Magaalada Burco ee lagaga soo horjeedo xasuuqa ay ciidama liyuu boolisku ka wadaan Degaanada Howdka.