Dad La Ildaran Xanuunka Ebola Oo Lagu Arkay Dalka Maraykanka
Dalas:Oct,01,2014(SDN/QJ)-Caasimadda Gobolka Texas ee Dallas, ayaa lagu arkay Qofkii ugu horreeyey ee Maraykan ah ee La Tiicaya Xannuunka Afrikada Galbeed Ka Dillaacay ee Ebola, kaas oo astaamaha cudurka lagu arkay xilli uu ku sugnaa Gudaha Dalka Maraykanka.
Mas’uuliyiin ka tirsan isbitaalka Texas Health Presbyterian Hospital ayaa sheegay in qof aan la shaacin magaciisa lagu hayo qeybta karantiimka ee isbitaalka, waxana qofkaas lagu arkay dhammaanba astaamihii uu cudurkaasi lahaa.
Qofkan oo la sheegay in uu yahay lab ayaa loo malaynayaa in uu cudurkan ka soo qaaday dalka Liberia kahor inta aanu u soo safrin dalka Maraykanka laba toddobaad kahor.
Inkabadan 3,000 oo ruux ayuu cudurkan ku diley wadamo ku yaal Galbeedka Arika halka dhowr ruux oo Maraykan ah una shaqeynaysay ururada gargaarka ay ka soo reysteen cudurkan kadib markii la keenay wadanka Maraykanka.
Agaasimaha xarunta ka hortagga cudurada Maraykanka Thomas Frieden ayaa weriyaasha u sheegay in qof ka yimid dalka Liberia laga helay cudurka Ebolaha isagoo jooga Maraykanka.
Sida laga soo xigtay Mr Frieden bukaanka ayaa ka soo tegey Liberia 19kii September waxana uu yimid US maalin kadib isagoo aanay ka muuqan wax calaamado ah oo cudurka Ebolaha ah.
Calaamadaha cudurka waxa ay soo ifbaxeen 24September waxaana la dhigay isbitaalka Texas 28kii bishii September isagoo weliba qofka la seexiyay meel karantiim ah.
Mas’uuliyiinta isbitaalka ayaa intaa ku daray in isbitaalka ay horeba u yaaleen qalab cuduradaas oo kale lagula tacaalo.
Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in bukaankan laga helay Ebolaha aanu ka mid ahayn shaqaalaha caafimaadka ee gargaarka siinaya dadka uu cudurkan ku dhacay ee dalka Liberia.
Waxaa haatan socda dadaalo lagu doonayo in lagu ogaado dhammaan dadkii uu la kulmay bukaankan laga helay Ebolaha iyadoo dadkaasina la karantiimi doono muddo 21 cisho ah.
Cudurka Ebolaha ayaan weli daawo rasmi ah loo helin waxaana laga soo sheegayaa cudurkan in uu gaadhay wadamo ay ka mid yihiin Nigeria iyo Senegal.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com