Dad ku dhintay weerar ka dhacay Nigeria
Nigeria,19Aug,2015(QJ/SDN)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in koox looga shakiyay inay Boko Xaram ahaayeen ay weerareen deegaan ku yaalla dhanka Waqooti-Bari ee Nigeria.
Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kukuwa oo ka tirsan gobolka Yobe.
Weerarka waxa uu dhacay Khamiistii la soo dhaafay, laakiin faafaahinta ayaa hadda la helayaa.
Dadka dhintay waxaa la dilay xilli ay isku deyayeen inay ka baxsadaan rasaasta ay ridayeen kooxdan hubeysneyd.
Sharaxaadda weerarka waxaa laga helay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday.
Weriyaha BBC-da ee Nigeria waxa uu sheegayaa in shan maalin ay qaadatay in warka weerarkaasi la helo, taas oo muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay amni xumada gobolka Yobe.
Goobjoogayaal ayaa sheegay rag hubeysan oo Boko Xaraam oo saran mootooyin iyo gawaari ay weerareen tuulada Yadin Kukuwa.
Dadka deegaanka oo waqtigaas isu-diyaarinayay salaadda maqrib ayaa argagax ku dhacay oo naftooda la caray.
Iyadoo dadkii waaweynaa ay baxsadeen ayaa caruurtii badankooda waxay ku dhaceen webiga ku qaraqmeen waayo ma aysan dabbaalan karin.
Qaar ka mid ah waxaa toogtay kooxda weerarka soo qaadday.
Qof ka badbaaday waxaa uu sheegay in markii ay tuulada ku soo noqday maalintii xigtay ay soo ururiyeen meydadka 60 carruur ah ayna aaseen.
Wararka qaar waxay sheegayaan in tirada dhimashadu ay gaari karto ilaa 150 qof iyadoo ay waalidiintu weli isbitaallada ka goobayaan carruurtooda maqan.
Weerarkan waxaa la rumaysan yahay inuu yahay aargoosi ay Boko Haram tuulada ka aargudanayso iska caabbin ay kala hortageen ugaarsato deegaanka ah oo toddoba ka dilay mar ay Boko Haram soo weerartay laba toddobaad kahor.
Dagaallamayaasha islaamiga ah waxay sii wadaan weerarrada ay ku qaadayaan inta badan dadka rayidka ah oo boqollaal ay ka dileen tan iyo markii xukunka loo dhaariyay madaxweyne Muhammadu Buhari muddo saddex bilood laga joogo.
Madaxweynuhu waxaa uu amray xoogagga ammaanka ee waddanka inay soo afjaraan kacdoonka Boko Haram ee woqooyi bari waddankaas saddexda bilood ee soo socda.
XIGASHO: BBC