|

Dad Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Buuhoodle Iyo Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay DAAWO

Buuhoodle 20. August 2017 (SDN/QJ):-Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, waxa Dagaal ku dhex maray Maleeshiyaad ka kala tirsan Laba Beelood oo Halkaa wada dega.

Dagaalkan oo Magaalada Gudaheeda ka qarxay, ayaa waxa ku dhintay Dad gaadhaya Toban Qof, waxaana ku dhaawacmay Dad kale oo badan, balse aan Weli Tiradooda la sugin.

Illaa hadda rasmi ahaan looma oga Sababta dhalisay Dagaalkan, laakiin Warar aanu ka helayo Magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya inuu sababay Nin halkaa dhawaan lagu dilay, kaasi oo Beesha uu ka soo jeeday doonayso in Gacan ku dhiiglihii Dilayna la raaciyo, laakiin Beesha Gacan ku Dhiigluhu ka dhashay ay Diidday inay soo qabato Gacan ku dhiiglaha si loo Qisaaso, taasina sababtay in labada Beelood isku Hub-urursadaan, ka dibna dagaalkani uu ka dhex qarxo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ku sugan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, oo Dagaalkan uu Telefiishanka Eryal wax ka waydiiyey ayaa sheegay in illaa hadda uu ogyahay inay Dagaalka ku dhinteen Dad gaadhaya Toban Ruux, dhaawacuna intaa ka badan yahay.

Wasiir Faratoon oo la waydiiyey inay illaa hadda wax Ciidamo ah oo labada Beelood kala dhex gala u direen halkaa, ayaa sheegay in aanay weli Dawladdu wax Ciidan ah u dirin Buuhoodle, si ay Dagaalkaa u joojiyaan, isagoo sababta ay ugu diri waayeenna ku sheegay inay ka tashanayaan, maaddaama buu yidhi Buuhoodle tahay Goob furin ah isla-markaana ay ku sugan yihiin Ciidamo kala siyaasad duwan, kuwaasi oo qaarkood doonayaan in aanay Nabadi ka hirgelin Buuhoodle, sida uu sheegay.

Comments are closed