|

“Dad Ka Shaqaynayay Bangiga ayaa Khiyaano Sameeyay oo Lacagtii Ku Beddeshay Faalso,Laakiin arrintu Ma aha…..” Xasan Sheekh

Muqdisho 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay lacag dhawaan la sheegay in laga xaday Qasnadda Bangiga dhexe ee dwoladda Soomaalliya, isla markaana wuxu ku dooday inaan qaab musuqmaasuq ah lagula bixin lacagtaas ee nidaam uu ugu yeedhay khiyaamo lagu lunsaday, dadna u xidh-xidhan yihiin hadda.

 

BAANKA-DHEXE-EE-SOOMAALIYA-IYO-MADAXWEYNAHA-IYO-KUWO-KALEMadaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aanay ahayn musuqmaasuq iyo wax is-daba-marin, balse ay ahayd khiyaano ay ku kaceen Xubno hayay furayaasha Qasnadda Bangiga Dhexe.

Waxaanu Madaxweynuhu intaas ku daray in lagu hawlan yahay baadhitaanka lagu ogaanayo sida lacagtaas loo xaday iyo cidda falkaas samaysay-ba.

“Masuqmaasuqa iyo khiyaano waxaan filayaa in ay laba kala yihiin, waxa ka dhacay Bangiga dhexe maaha musuqmaasuq ee waa khiyaano, dad ka shaqaynayay qasnadda Bangiga ayaa khiyaano sameeyay oo Lacagtii fiicnayd ku beddeshay kuwo faalso ah.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Qasnadda Bangiga Dhaxe ee dawladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa dhawaan la shaaciyey in laga xaday Lacag ka badan Nus Milyan Doollarka Maraykanka ah Lacag u dhiganta, taasoo aan la faahfaahin qaabka loo xaday ama loola baxay, inkastoo Madaxweynuhu sheegay in qaab khiyaamo ah loogu beddeshay Lacag Faalso ah.

Comments are closed