Dacwadii Dhinacyada Xisbiga Ucid oo loo Mudeeyay in Maanta La Dhagaysto si loo soo afjaro Khilaafkii Xadhkaha Goostay ee Xisbiga kala qaybiyey Iyo Nuxurka Qodobadii labada dhinac ku Heshiiyeen
Hargaysa 12,June 2016 (SDN/QJ):- Gudida ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa u Mudeeyay in Maanta oo Axad ah taariikhduna tahay inay yeelan doonaan Fadhiga ugu danbeeya ee lagu soo afjari doono khilaafka mudada soo jiitamay ee xisbiga Ucid.
Fadhigan oo ay kasoo qayb gali doonaan dhinacyada ay dacwadu u dhaxayso iyo Qareenada uga wakiilka ah dacwada. Khilaafka xisbiga Ucid ayaa ah mid Bulsho waynta reer Somaliland si wayn uga wada dharagsantahay oo aanay waxba ku seeganayn halka ay sartu ka qudhuntay ayaa hadana waxay isha ku hayaan go,aanada ay Guddidu kasoo saari doonto.
Maadaama arin qaran ay tahay badbaadinta xisbiga Ucid oo ah badbaadinta Somaliland.
Khilaafkan oo ah mid salka ku haya arimo sharci iyo jabin Xeerka Ucid, Heshiisyadii Midowga Garabkii Xisbiga Udub ee Hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen iyo Hadhaagii Ucid oo intii badnayd xisbigu raacay Garabkii Cirro ee Wadani. Heshiisyadaas oo dhamaantood lagu ansixiyay Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe. Go,aanadii Golaha Dhexe oo ku saxeexan yahay Gud. Faysal loona gudbiyay Hayadahii ay khusaysay. Awoodo ka baxsan kuwii xeerku siiyay oo uu Gud. Faysal isticmaalay, Musuqmaasuq hantida xisbiga. IWM.
Waxa xusid mudan in Dhagaysigan dacwadu noqon doonto mid furan oo loogu talagalay inay kasoo qayb galaan Xubno ka socda Axsaabta Qaranka, Baarlamaanka, Guurtida; Sharciyaqaano, Aqoonyahano, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Warbaahinta Qaybaheeda kala duwan. Waxaana lagu qaban doonaa Xarunta Guddida Diiwaangalinta ee u dhow Akadamiga Nabada iyo Horumarka ee magaalada Hargeisa.
Khilaafkan oo ah kii 2aad ee sababa in Dacwad mar labaad laga gudbiyo Faysal Cali Waraabe. Taas oo bilawgii dhamaadkii 2011 Maxkamad ay isla galeen Faysal iyo Gud. Cirro.
Qoraalkan Hoose Waa Heshiiskii Labada Dhinac ay Wada Gaadheen Xiligii ay Midoobeen.