Dacwad Toddoba Sano Socotay Oo Keentay in Saddex Markab Oo Somalia Lahayd Gacanta u Galaan Nin Yemeni ah
Cadan:July,23,2014(SDN/QJ)-Saddex Markab oo ka mid ahaa Hantidii Somalida ee Dawladaha shisheeye Gacanta ku hayeen ayaa Maxkamad ku taalla Dalka Yemeni u xukuntay Ganacsade u dhashay isla dalkaas Yemen oo ku dacwoonayey.
Sababta keenay in Ganacsadahaas loo xukumo Maraakiibtan soomalia lahayd ayaa ah inuu Maxkamadda hor keenay Caddaymo la xidhiidha Lacago dayn ah oo gaadhay Laba Milyan oo Dollar.
Saddexda markab oo lagu kala magacaabo; Faarax Oomaar, Cismaan Geedi Raage iyo 21-ka Octoobar III, ayaa haatan waxaa mulkiyadoodu ay si toos ah ugu wareegtay gancsadahan Yemeniga ah, iyagoo ka baxay gacanta dowladda Soomaaliya.
“Maadaama aan halkan u joogno difaacidda hantida Qaranka Soomaaliyeed, waxaan xil weyn iska saarnay in go’aanka maxkamadda soo saartay ee ah in maraakiibta la iibiyo laguna wareejiyo ganacsadaha deynta ku sheeganayay aan horjoogsanno, waxaana ka qaadannay xukun ay maxkamaddu horay u soo saartay abiil, waxaana arrinta ku wargelinnay dowladda Soomaaliya balse laguma guuleysan in wax laga qabto arrintan,” ayuu yiri qunsulka Soomaaliya ee Cadan, Axmed Xasan Cabdi (Axmed Suudaani) oo u warramayay VOA-da.
Qunsulka ayaa intaas ku daray in lagu wargeliyay in qunsuliyadda ay siiyeen muddo lix bilood ah oo ay go’aan kaga gaadho arrintan, balse aanay jirin wax lasoo kordhiyey, sidaa daraadeedna ay ku qasban yihiin inay fuliyaan go’aanka maxkamadda.
“Iyagoo go’aanka maxkamadda ka duulaya ayay shaqaalihii saddexdan markab saarnaa ka dajiyeen, waxayna isugu geeyeen markab kale oo soo hadhay oo lagu magacaabo 21-ka Oktoobar I. waxaana rajeynaynaa in dowladda Soomaaliya ay tallaabo ku habboon arrintan qaadan doonto si lagu badbaadiyo maraakiibtan, maadaama ay yihiin hanti ay Soomaaliya leedahay,” ayuu qunsulku hadalkiisa ku daray.
Dacwadda loogu xukumay maraakiibta ganacsadaha reer Yemen ayaa soo jiitamaysay muddo toddoba sano ah, iyadoo mas’uuliyiin dowladihii dalka soo maray ka tirsanaa ay dhowr jeer arrintan u tageen Yemen, balse ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan.
Maraakiibtaan oo dalka Yemen la geeyay sannadkii 1991-kii markaas oo Soomaaliya ay ka dillaaceen dagaallada sokeeye lana riday dowladdii milateriga ahayd, ayaa waxaa la sheegaya in lacagta daynta ah ee lagu sheeganayo ay gashay intii ay Yemen ka shaqeynayeen sannadihii sagaaashamaadkii.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com