Dacwad Laga Gudbiyay RW. Cumar iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Taageeray
Muqdisho 27. January, 2016-(SDN/QJ) :– Illaa 22 xisbi siyaasadeed ka jira dalka ayaa u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)
Gal dacwadeed ay ku saxiixnaayeen Mas’uuliyiinta 22 Xisbi siyaasadeed ayaa waxaa guddoomay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid Cabdulaahi Ilka-xanaf, waxaana gudbiyay 8 xubnood oo wakiil ka ahaa 22-ka xisbi ee saxiixday dacwada.
C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulan ayaa ka hor aqriyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dacwadaas ay dulucdeedu tahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ay jebiyeen dustuurka Soomaaliya, ayna ka hor-taagan yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed,
Xisbiyada Siyaasadeed xuquuqda uu u ogol yahay Dustuurka oo ah in la sharciyeeyo Xisbiyada Siyaasadeed, iyadoo muddo sanad ku dhow ay Hindise sharciyeedkii Xisbiyada Siyaasadeed ay meer-meerinayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha
Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamadcda Sare ee Soomaaliya Caydid Cabdullaahi Ilkaxanaf ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonaya in axsaabta ay samaysteen loo sharciyeeyo ay dacwad kasoo gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmana Xuseen Odawaa.
Ilkaxanaf waxa uu sheegay in xisbiyadan ay doonayaan in la sameeyo sharcigii axsaabta, ee suurta gelin lahaa in xisbiyada siyaasadda la diiwaan geliyo.
Guddoomiyaha Maxkamadcda Sare ayaa sheegay in dacwadda ra’iisul wasaaraha ay u gudbiyeen qareenka xukuumadda, si ay jawaab uga bixiyaan, kadibna kiiska dacwadda halkaas laga amba qaadi doono.