Dabley hubeysan oo weeraray degaano ku yaal Koonfurta Bari ee dalka Congo
Lokombaashi Mar 25,2013(SDN)-Dablay hubaysan ayaa lagu soo waramay inay weerar ku soo qaadeen magaalada Lokombaashi eek u taala koonfur bariga dalka Kongo. Hase ahaatee lama sheegin cid weerarkaasi wax ku noqotay.
Wararku waxa ay sheegayaan in kooxdan dablayda ah ee weerarka soo qaaday ay ka tirsan yihiin maleeshiyada May- May-ga uu cabsi weyn ku abuuray dadka Gobolka Katanga. In kasta oo uu Gudoomiyaha Gobolkaas Mr, Katombi uu dadka ugu baaqay inay is dejiyaan.
Idaacada Okabi ee Qaramada midoobay ay maamusho ayaa waxa ay sheegtay in dablayda magaaladaa soo weeraray tiradoodu ay ahayd 240 dablay ah. Oo ku hubaysnaa Qaan-sooyin, Leebab, iyo Gol-xobo,
Bariga dalka Kongo ayaa waxa uu gabood u yahay kooxo hubaysan oo falaago ah, kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya dadka Rayidka ah,. Waxaanay kooxahaasi weerarada intooda badan ay ka fuliyeen labada Gobol ee Kiifooda-woqooyi iyo Kifooda- koonfureed.
SDN-Lokombaashe
contact@somalidiasporanews.com