|

Dabley Hubeysan oo nin Mareykan ah ka afduubatay Gaalkacyo

Gaalkacyo Jan 21,2012,(qurbejoog.com)-Dabley hubeysan ayaa aaga garoonka duyuuradaha ee magaalada Galkacyo ka afduubatay rag hubeysan oo aan heybtooda la gararan ilaa haatan.

Dableyda ayaa isku gedaamay gaadhi uu la socday ruuxni ka dib kolkii uu ka soo dhaqaaqay uun gegida duyuuradaha ee magaalada Gaalkacyo sida uu saxaafada u xaqiijiyay askadhi goobta ku sugnaa.

Masuul ka tirsan mamulka Galmudug ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ninkan la qaafashay uu yahay Engeneer Mareykan ah oo halkaa u tegay in uu qiimeeyo dhismaha deked laga dhisayo magaalada Hobyo.

Dableyda ayaa si xun u garacay ruux Somali ahaa oo ninka la afduubay la socday ka dib kolkii uu ka baryay in aan ninka la afduubin.

Ninakan maanta la afduubay ayaa garoonka duyuuradaha geeyay nin kale oo u dhashay dalka India oo isna hawlaha dekeda u joogay Gaalkacyo,sida uu xaqiijayay mid ka mid ah shaqaalaha Hotelka Embessy oo uu ninkani ku soo degay.

Dablay ayaa hore nin Denmark u dhashay iyo haweeney Mareykan ah ugu afduubtay Gaalkacayo isla markaana weli heysta.

Guud ahaa waxa dalka Somalia lagu heystaa dad ajaanib ah oo halkaa hawlo kala duwan u tegay oo tiradoodana lagu sheegay ilaa afar ruux.

Qurbejoog-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed