Dablay Xalay Magaalada Jawhar Ku Toogtay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Dawladda
Jawhar:29-Oct-2013(SDN)-Dablay Hubaysan oo aan Haybtooda La Aqoon, ayaa Xalay Makhribkii Magaalada Jawhar Ku khaarajiyey Sarkaal ka tirsan ciidanka Dawladda Soomaaliya.
Dableyda ayaa ku hubeysnaa bastoolado, waxaana ay xaafada Hanti wadaag ku rasaaseeyeen Xuseen Cumar Wehliye (Mooja Mooja) xilli uu ka baxay maqaaxi uu shaah ka cabayey isago kusii jeeday gurigiisa, waxaana dhaawac soo gaadhay markii daqiiqado la jiifiyey Cusbitaalka Jowhar uu naf baxay.
Kooxihii rasaasta ku furay ayaa goobta iskaga baxsaday waxaana marxuumka la dilay uu ciidamada dawlada uqaabilsanaa saadka iyadoo meydkiisa loo qaaday guriga uu ka deggenaa Jowhar.
Dilkan habeenkii xallay ka dhacay magaalada Jawhar ayaa muujinaya in ammaanka magaaladu uu halis marayo, islamarkaana kooxaha dagaalka kula jira Dawaladdu ay wali dilal Magaaladaas ka geysan karaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com