Dablay Hubaysan Oo Xalay Weerar Dhimasho iyo Dhaawac Keenay Ka Fulisay Magaalada Gaarisa
Gaarisa:Aug,14,2014(SDN/QJ)-Magaalada Garisa ee Deeegaanka Waqooyi-bari Kenya ayaa wararka laga Helayaa sheegayaan in habeenkii xalay Kooxo Hubaysani weerar dhimasho iyo dhaawac keenay ka geysteen.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in ugu yaraan Hal qof ku dhintay Halkaas, iyadoo laba kalena dhaawacyo soo gaadheen, waxana halkaas ka baxsaday kooxdii weerarka geysatay.
Taliyaha Ciidamada Boliiska Garissa Charles Kinyua ayaa sheegay in Ciidamada Boliiska ay wadaan baadhitaano lagu baadi goobayo kooxaha dhacdadan Dadka rayidka ah lagu waxyeelleeyey ka dambeeyey.
Weerarkan oo ka dhacay Magaalada Garissa ayaa imanaya xilli dhawaan kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen xarumo dowladeed oo ku yaalla gudaha Magaalada Mandera ee gobalka Waqooyi bari dalka Kenya, iyadoo ay xusid mudantahay in labadii bilood ee ugu dambeysay weeraro lagu dilay dad ka badan 100 qof ay ka dhaceen gobolka Xeebta ee dalka Kenya kuwaas oo masuuliyadooda ay dusha u dhigteen Xarakada Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
SDN/QJ