Dablay Afar ahayd Oo Lagu Eedeeyey Inay Qudha Ka Jareen Aabe Iyo Wiilkiisii Oo Gacanta Lagu Dhigay
Baydhabo:Feb,18,2015(SDN/QJ)-Afar Nin oo la sheegay inay qudha ka jareen Aabe iyo wiil uu dhalay, ayaa waxa gacanta ku dhigay Ciidamada Ammaanka Magaalada Baydhabo, waxana la sheegay inay raggani katirsanaayeen Kooxda Al-shabaab.
Aabaha, ayaa la odhan jiray Maxamed Xasan Dhimbil, halka wiilkiisiina lagu magacaabi jiray C/casiis Maxamed Dhimbil, waxaana toddobaadkii tagey lagu dhex dilay hoygooda oo ku yaala xaafada Berdaale.
Raggaasi, ayaa waxay ka mid ahaayeen rag fara badan oo loo soo qab qabtay dilka wiilka iyo aabihii, waxayna maalmihii ugu dambeysay ku xirnaayeen Saldhiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo.
Saacadihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo baxaayay in afartaasi nin loo gudbiyay Jeelka weyn ee Magaalada Baydhabo. Ciidamada Dowladda waxay oodda ka qaadeen dadkii kale ee loo soo qab qabtay dilka labadaasi ruux, markii wax dembi ah lagu waayay.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan, oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen dembiile-yaashii dilay aabaha iyo wiilkiisii.
Taliyaha, ayaa xusay in afarta nin ay gacanta ku hayaan ay ka tirsan yihiin Ururka xagjirka ah ee Al Shabaab, isagoona balanqaaday inay horkeeni doonaan sharciga, si cadaaladda loogu qaado, sida uu sheegay.
SDN/QJ