|

Hargaysa: Dablay Abaabulan oo Weerar Qorshaysan Xalay Ku Qaaday Xoghayaha Caddaalada  ee Xisbiga Waddani Haldoor Barkhad Batuun & Dhaawaca Soo Gaadhay

Hargeysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Koox aan la ilaa iyo haatan la aqoonsan ayaa Xalay weerar abaabulan ku qaaday Xoghayaha Caddaaladaa ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun kuwaasi oo dhaawac soo gaadhsiiyey xoghayaha weerarkaasi oo ka dhacay badhtamaha magaalada Hargeysa.

 

Xoghayaha Caddaalada Waddani Mudane Barkhad ayaana bogiisa Facebooga soo dhigay Sawirada Dhaawac xoogan oo ka muuqda jidhkiisa iyo sidoo kale qoraal uu kula hadlaayo cida uu tuhunsan yahay in ay falkan ka dambeeyaan.

Qoraalka uu soo qorey Xoghayaha caddaalada xisbiga Waddani Weerarka ka Dib ayaa u dhignaa Sidan:-

 

“Alxamdulillaah, Alle ayaan mahadinayaa sidaad rabteen ka dhigi waayey quwad iyo qawl nacasyo kaste aan isaga celiyo Alle waa I siiyey , labaad soo dirteene 10 ka dhiga bal inaan xaqa ka aamuso. Hargeysa waynu wada joognaa shilin ima gooyo runtana kama baqo tanna I cabsi galin mayso hortiin jiraba igu daal. Waan lugeeyaa waanan lugeynayaa waa ino hargeysa weyn caawa calafkeeni kala qaadnay wixii idin gaadhay iyo waxaad ila rabteen.”.Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi Batuun.

Weerarkan washnimada ah ee lagu qaaday masuulkan ayaan ilaa iyo haatan la cadayn cida ka dambaysa Iyadoo uu Noqonayo Isku Daygii Labaad oo Si Dhagaraysan Waxyeelo loogu Gaadhsiiyey Xoghayaha Caddaalada Waddani.

Comments are closed