|

Dabaal dega 38 Guurada Xornimada Jabuuti Iyo Madaxweyne Geele oo ka qayb galay SAWIRO

Jabuuti 27.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta ka qayb galay dabaal daga sanad guuradii 38 aad ee ka soo wareegtay maalintii Djabuuti ay xoriyada ka qaadatay gumaystihii faransiiska 1977.

Munaasibadan oo ay ka qaybgaleen Madaxwaynaha jabuuti oo ay weheliyaan marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, wasiirka difaaca Xasan dharaar hufane, iyo taliyaha ciidanka qalabka sida ee Djibouti General Sakariye Sheekh Ismaaciil,.

Dabaal degga ayaa saaka ka bilaabmay fagaare ku yaala magaalada Djibouti, waxaana gaardis ku soo maray Qaybaha kala duwan ee ciidamada Djibouti, iyadoo ay daawanayeen dadwayne badan iyo masuuliyiinta dalkaasi oo uu hurmuud u yahay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Ismaaciil Cumar Geele.

dabaal deg daris daaad ismaaciil

Jabuuti SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed