|

Dab ka Kacay Mid ka Mid ah Studiyeyaasha Idaacada Radio Hargaysa iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda oo ka hadlay

Hargaysa 18.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Md Cabdiwaaxid C/Qaadir C/raxmaan oo ka warbixiyey  ayaa sheegay in haba yaraatee aanu wax khasaare ah gaysanin dabkii yaraa ee saaka qabsaday roog goglonaa mid ka mid ah Studio-yaasha Radio Hargaysa.

holacWasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka oo saxaafadda la hadlay wax yar ka bacdi markii dabkaasi la bakhtiiyey ayaa waxa uu sheegay in agabkii yaallay Studio-yahaasi  la badbaadiyey isla markaana aanay jirin wax khasaare ah oo la xusi karo aanu jirin, isagoo arintaa ka hadlayan waxa uu yidhi: “Bismillaahi Raxmani Raxiim waxaa maanta dhacay dab yar oo ka kacay Studio-ha radio Hargaysa saacaddu markii ay ahayd 9:30 Subaxnimo  ilaahay mahaddii waa lagu guulaystay in la bakhtiiyo, waxaanu filaynaa inuu ahaa Shoodh ka kacay, wax khasaare ahna kama dhicin, haday tahay qalabkii, cajaladihii iyo wax kasta oo yaallay Studio-ha way ka badbaadeen, dabkaasina waxa uu ahaa mid qiiq sameeyey oo aan olol gaadhin haba yaraatee wax khasaare ahna gaysanin, hawshii Wasaaraduna si habsami leh ayay u socotaa wax saamayn ahna dabku kuma yeelan.”

 

10665903_796483413751815_2531695753730811855_nMd Cabdi Waaxid Cabdiqaadir waxa uu u mahad naqay dhamaan cid kasta ooka qayb qaadatay damintii dabkaasi yaraa isagoo ku simaha Wasiirku arrintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi: “ waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha iyo Engineer-ada Wasaaradda warfaafinta, Ciidamada Booliska, dawlada hoose ee caasimada, maamulka Gobolka

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed