|

Daawo:Somaliland waa Dal Dihin oo Daboolan isla Markaana Buuxiyey Shuruudaha Maalgashiga oo ay ugu Muhiimsan yihiin Nabada, Tartanka iyo Dimuqraadiyadu.

somaliland

Hargeisa 17/oc/2014(SDN/QJ)Waa La Gaadhay Wakhtigii Lala Iman Lahaa Geesinimo Ku Filan In Lagu Dhiirado Maalgashiga Somaliland “’Now is the time to be bold, brave and invest in Somaliland” Ambassador Neil Wigan’

Siday aynu ognahay xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawladaha dhex mara oo Maalgashigu uugu muhiimsan yahay waa muftaaxa kor-u-qaadida dhaqaalaha, la dagaalanka shaqo la’aanta iyo abuurida fursado shaqo

Hadaba, Shir bilow u noqon doonaa in daboolka laga qaado Khayraadka Somaliland ayaa ka qabsoomay Whitehall, London . ee Boqortooyada Ingriiska

Dhanka Dalkeena Somaliland si aynu u muujino inta aynu diyaar u nahay Maalgashi Caalami ah isla markaana caalamka u tusno inta ay inaga go’an tahay soo dhawaynta Shirkadaha danaynaya Somaliland waxaa kulanka ka qaybgelay Madaxweynaha Dalkeena Somaliland H.E Axmed Maxamed Maxamoud oo aan ku wehelinayno todoba kamida Golihiisa Wasiirada, sidoo kale si kor loo abuuro xidhiidho dhex mara Shirkadaha dalkeena iyo kuwa dalalka kale ee aduunka waxaa kulanka ka qaybgelay Ganacsato reer Somaliland ah. .

Dhanka kale waxaa kasoo qaybgelay Masuuliyiin tiro badan oo uu u horkacayo Wasiirka Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan Africa, Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u Qaabilsan Arimaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalila iyo sidoo kale shirkado ganacsi oo ka kala yimid dalal kala duwan oo adduunka ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashadaan dalkeena Somaliland
Ugu horayn waxaanu si guud mar ah uuga waranay Somaliland iyo Taariikhdeeda iyo sida ay u tahay dal ka duwan Mindiqada ay ku dhex taalo,

Waxaanu warbixin mug dheer ka siinay sida Somaliland ku timid iyo sida ay u tahay xaqiiq ku dhisan rabitaan umadeed isla markaana aanay ahayn mid jiritaankeeda shuruud ku xidhan tahay ““Ictiraaf”!

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Comments are closed