|

Daawo:Muuqaal Xiiso Badan Oo Laga Metelay Farxadda Madaxtooyada Ee Wareejinta Keydka Haamaha Berbera

Hargaysa 20.Sep 2015 (SDN/QJ)- Suuqyada Siyaasadda Somaliland Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Xoog looga hadal hayaa Cudur Cusub oo ku soo biiray kaas oo ah Wareejinta Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Magaaladda Berbera.
Qadiyadani Waxay Sababtay Ismaandhaaf Xoogan oo ka dhex dhashay Golaha Wakiiladda iyo Xukuumadda oo gaadhay Heer Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Ku Xigeenkiisa 1aad ay is fara saaraan Sidoo kale waxay dhalisay Xadhig lagula kacay qaar ka mid ah Madax dhaqameedka dalka oo ka hadlay Wareejinta haamaha berbera.
Muuqaalkani Waa Mid ka Turjumaya Dareenka Madaxtooyadda iyo damaca u Muuqda Mid hirgalay ee lagu wareejinayo haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera.

Comments are closed