|

DAAWO:Dawlada Jabuuti oo safiir u magacaabay Somaliland iyo ujjeedooyinka ka danbeeya

Hargeysa Aug 11,2015(SDN/QJ)-Xukuumada Jabuuti ayaa safiir u magacawday Somaliland mudo dhwr iyo labatan sanadood oo ay Somaliland jirtay ka dib.

Md Xuseen Cumar kawaaleeye oo mar ahaa guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Jabuuti mudo dheerna ahaa xildhbaan ayaa hawsha u weyn ee hortaalaa ay tahay sidii loo seexin lahaa mucaaradad kaga timaada dhanka Somaliland iyo sidii cod uu madaxweyne Geelle uga heli lahaa shacabka degen labada dal.

Sidoo kale waxa Safiirka cusubi ka shaqeyn doonaa si aaney isula jaaqaadin mucaaridka Jabuuti iyo axsaabta siyaasada Somaliland.

si kastaba ha ahaatee dalka Jabuuti ayaa haatan siyaasada waxa hareeyay muran siyaasadeed oo salka ku haya doorashooyinka madaxtooyada Jabuuti oo lagu wado in ay qabsoonto sanadka ina haya.

 

Comments are closed