DAAWO:Arooska inanta uu dhalay madaxweynaha Jabuuti iyo xaqiraada TV-ga Jabuuti ee madax dhaqameedii arooska ka qeyb galay
Jabuuti July 28,2014(SDN/QJ)-Waxa dalka Jabuuti ka dhacay aroos dalkaas oo idil hantidiisii lagu bixiyay isla markaana lagu xanibay gebi ahaanba hawlihii qaran ee dalkaasi todobaadyadii u danbeeyay.
Arooskan oo malaayiin dollar ay ku bexeen ayaa waxa isku guursaday Inan uu dhalay madaxweynaha Jabuuti iyo wiil uu dhalay wasiirka waxbarashada Jabuuti.
Arooska ayaa waxa lagu casuumay madax dhaqameed ka soo kala jeeda beelaha ku kala nool dalalka Jabuuti deriska la ah,fanaaniin iyo marti sharaf kale.
TVga dalka Jabuuti oo arroska ka waramay ayaa waxa uu ka xusay madax dhaqameedkii xaflada ka qeyb galay ugaaska beesha Ciise oo qura.
Halka madaxdhaqameedkii kale la sheegay uun degaanada ay ka soo jeedaan ee aan la xusin beelaha ay madax dhaqameedka u yihiin.
HALKAN HOOSE KA DAAWO XAQIRAADA MADAX DHAQAMEEDKA AROOSKA KA QEYB GALAY
SDN/QJ-Jabuuti
contact@qurbejoog.com