DAAWO: Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Dhex Maray Ciidanka Somaliland iyo Puntland
Hargeysa (QJ/SDN) – Axmed Muumin Seed, guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan gobolka Sanaag, isagoo guddoomiyuhu sheegay in Puntland ay daandaansi waddo isla markaana ay ka xisbi ahaan garab taaganyihiin ciidanka qalabka sida ee Somaliland.
Guddoomiye Seed waxa uu boggaadin wayn u diray ciidanka Millatariga Somaliland, isagoona sidoo kale ciidanka kula dardaarmay in ay ilaaliyaan maxaabiis uu sheegay in ay ku jiraan xildhibaanno.