DAAWO: Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Halkuu Ku Danbeeyay Riiggii Banka Qool-cadey
Hargeysa,30,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa waxaa uu ka hadley xaalada Banka Qool-Cadey iyo halka uu ku danbeeyay riig halkaasi ay gaysay xukuumadiisu.
Muddane Cukuse waxaa uu sheegay in xaalada banka Qool-Cadey ay hadda tahay mid dhamaatey isla markaana si wacan looga heshiiyey qodobadii ay xukuumada iyo dadka deeganku isku af garan waayeen.
Sidoo Kale wasiir Cukuse waxaa uu sheegay in riig goobtaasi la geeyey uu joogo isla markaana qodidii ceel biyoodka uu dhawaan bilaabi doono, inkastoo wasiirku uu tilmaamay in qodida ceel-biyoodku ay ku xidhantahay hay’adda SDF.
Cukuse waxa kale oo uu qiray in Riigga halkaasi la geeyay uu la raagay biyihii ay ahayd in uu soo saaro, wallow uu sheegay in hawsha riiggaasi ay fuli doonto.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaasi.